Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

10 QOF OO KU DHIMATAY DAGAAL BEELEEDYADA KA SOO CUSBOONAADAY GOBOLKA HIIRAAN

Ugu yaraan 10 ruux oo labada dhinac ah, ayaa ku dhimatay halka tiro kalana ay ku dhaawacantay, markii dagaal beeleed uu saakay dib kaga soo cusboonaaday meel ku dhow deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalada, ayaa waxay xoogoodu ka dhaceen Xodo-oogle iyo Buur Dhiinle oo labaduba ku dhow deegaanka Deefow, iyadoo dagaalada ay ka qayb qaateen gaadiidka dagaalka, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Dagaalada oo barqanimadii waxa xoogaa qaboobay, ayaa la soo sheegayaa inay dib ka soo cusboonaadeen duhurnimadii, iyadoo xilligaan la soo sheegaayo in xabadu ay ka dhaceyso Buur Dhiinle iyo Xodo-oogle.

purchase tadalafil, purchase Zoloft. Mid ka mid ah dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in labada dhinac ay isu adeegsanayaan wax kastaa, oo ay faraha ku heystaan, isla-markaana uu dagaalku saamayn ku yeeshay dad aan shaqo iyo shuqul midna ku lahayn.

Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa soo sheegaaya in tiro dhaawacyo ah la keenay Isbitaalada Baladweyne, si wax looga qabto xaaladooda caafimaadeed.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen inay wadaan dhaq dhaqaaqyo, ay ku doonayaan inay ku xakameeyaan dagaalada.

Dagaalada Deefow oo soo noq noqday, ayaa waxaa la tilmaamaa in si dhab ah aynaan kaga falcelin Dowladda Federalka Somaliya, taasina ay keentay in dagaaladu ay xargaha goystaan.

You must be logged in to post a comment Login