Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

11 JANAAYO 2019 waa sanadguuradi 71 aad ee ka soo wareegtay dagaalki HA NOOLAATO

Bashiir AxmedY

SYL, waxa uu ahaa ururkii ugu horeeyey ee siyaasadeed ee Soomaaliya laga furo waxa uuna hantay taageerada iyo kalsoonida dhammaan shanta qaybood ee dalka. Gumaysigii Ingiriisku si qarsoodi ah ayuu u taageersanaa SYL, markii dambana si cad ayuu u taageeray asaga oo u oggolaaday askartii jandaarmari (Gendarmerie) iyo booliska inay qortaan SYL, asaga oo ka lahaa danihiisa gumeysi, maadaama uu xukumayey guud ahaan degaanka Soomaaliyeed marka laga reebo qaybtii Faransiiska gumeysan jiray ee Jabuuti.
Sidaa darteed, ayuu Ingiriisku u baahday in uu u sameeyo maamul dhexe (central authority) qaybaha koofureed, waqooyi, Soomaali galbeed iyo NFD si dalka oo dhan u hal meel uga hoggaamiyo, arrintaas fulinteeda waxaa qorshe u diyaariyey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo isticmaarka ee Ingiriiska oo la oran jiray Sir Ernest Bevin. Qorshaha Bevin plan waxa uu ka koobnaa saddex qaybood oo kala ahaa:

1. In la mideeyo dhulka Soomaaliyeed ee shanta qaybood loo qaybiyey.
2. In qaybaha Soomaaliyeed maamul siyaasadeed oo mideysan loo dhiso.
3. In Ingiriiska oo hadda qaybaha Soomaaliya intooda badan gacanta ku haya gaarsiiyo gobanimada (trusteeship).

Sir Ernest Bevin waxa uu talo ku bixiyey in la dhaqan geliyo fikrada ah Soomaaliya weyn (great Somali).

Markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee dunida lana dhisay qaramada midoobay ayaa la bilaabay in laga hadlo dalalkii uu Talyaanigu gumeysan jiray ee uu Ingiriisku qabsaday sida koofurta Soomaaliya sidii laga yeeli lahaa. Sidaa darteed waxa ay qaramada midoobey go’aansatay in loo diro koofurta Soomaaliya wafdi ka kooban afartii quwadood ee markaasi jiray (four power commission) oo xaqiiqo raadis ah oo kala ahaa:

1. Mareykanka
2. Ruushka
3. Ingiriiska
4. Faransiis

Haddaba waxaa jiray in Talyaanigu ogaaday in Soomaaliya loo diri doono gudi ka kooban afartii quwadood ee markaasi jiray adduunka, waxa uuna sameeyey Talyaanigu olole ay kaga hor-tagayaan qorshaha siyaasadeed ee SYL, waxa ayna abuureen toddobo urur oo ka soo horjeeda SYL oo pro-italian ah kalana ahaa:

1. Xisbiyo digil iyo mirifle————————————————-Raxaweyn
2. Somali African union—————————————————–Habargidir iyo Murusade
3. Somali progressive league———————————————-Majeerteen
4. Abgaal youth association————————————————abgal
5. Biyomal union————————————————————-biyomaal
6. Itixaad Islaam————————————————————–mobleyn iyo shiidle
7. Ex. Competent————————————————————-isku jir Soomaaliyeed.

Arrintaas waxaa fuliyey Talyaaniga dalka joogay oo uu ka mid ahaa Sing. Calzia Vincenzo oo ahaa madaxa xoghaynta munishiibiyada Muqdisho, horana uga tirsanaan jiray Wasaaradda arrimaha gudaha Talyaaniga.
Run ahaantii qorshihii Ingiriiska ee Bevin plan, (Soomaali weyn) dad badan oo taageerayaashii SYL ahaa ayaa aad iyo aad ugu riyaaqay, waxa ayna soo jeediyeen in ay SYL ka codsato wafdiga afarta quwadood marka ay dalkda yimaadaan in ay u gudbiyaan in Ingiriisku, Soomaaliya xornimada uu ku gaarsiiyo muddo toban (10) sano ah, maadaama dalka intiisa badan uu gacanta ku hayo Ingiriisku.

Haddaba golaha dhexe ee SYL oo uu guddoominayey Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud waxa ay fadhi ka yeesheen qorshihii ay hor-dhigi lahaayeen wafdiga afarta quwadood bishii November 1947, Golaha dhexe ee SYL-na waxa uu isku raacay in tobanka (10) sano ee trusteeship-ka ay gaarsii yan guddi ka kooban afarta quwadood ee markaasi jiray.

IMAANSHIHII WAFDIGII FOUR POWER COMMISSION EE SOMALIA

Haddaba, wafdigii qaramada midoobay ee xaqiiqa raadiska ahaa (four power commission) ayaa Muqdisho yimid 7dii, Janaayo 1948, si ay u soo eegaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo waddamadii kale ee iyagana uu Talyaanigu gumaysan jiray sida Ereetariya iyo Liibiya, iyadoo waajibaadka loo igmaday uu ahaa in ay soo eegaan soona qiimeeyaan, xaaladaha, nololeed, siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee dadyowga Dalalkaasi ku sugan yihiin, lagamana doonayn in ay talo jeedin keenaan ku saabsan aayaha iyo mustaqbalka dalalkaas, waxa ayna la kulmeen banana-baxyo nabadeed oo SYL ay samaynaysay iyo rabshado ay abaabuleen xisbiyadii kale ee pro-Itaaliyaanka ahaa oo Talyanigu abaabulay isagoo Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe oo xilligaas ka tirsanaa Gobolka Benaadir uga soo daabulay Baabuur iyo Basas, soona qaatay calanka Talyaaniga, sameeyayna buuq badan si ay u muujiyaan SYL in aysan ahayn quwadda kaliya ee Dalka ka jirta.

Haddaba, Maamulkii Ingiriiska (Somali-British Military Administration) ee dalka heystay markii ay arkeen sida wax u socdaan ayey waxey u sameeyeen ururradii kala duwanaa jadwal ayagoo qolo waliba u cayimay maalin gaar ah oo loo asteeyey si Four Power Commission ugu fududaato howsha ay dalka u yimaadeen.

Qoladdii Pro-Talyaaniga waxaa loo oggolaaday loona asteeyey in ay soo bannaan baxaan 10-ka Jannaayo 1948-dii si nabad ahna u soo bannaan baxaan iyagoo dhowraya waqtiga iyo saacadaha la siiyey. Dhanka kalana S.Y.L. iyagana, waxaa loo oggolaaday loona asteeyey in ay soo bannaan baxaan 10-ka Jannaayo 1948-dii si nabad ahna u soo bannaan baxaan iyagoo dhowraya waqtiga iyo saacadaha la siiyey.

Pro-Talyaaniga, waxa ay soo banaan-baxeen 10kii Janaayo 1948-kii, gelinkii dambe ee isla maalintaas markii ay qiimeeyeen banaan-baxoodii, waxa u sugnaatay in uu ahaa mid aan gaarsiisnayn heerkii la doonayey, xog-ogaalna u noqdeen in banaan-baxa soo socda ee maalinta Axadda ee 11-ka Janaayo 1948 ee S.Y.L. qabanayso uu yahay in uu bixinaya heerkii iyo shuruudihii looga baahnaa ee lagama-maarmaanka ahaa, maadaama dad badan oo Soomaaliyeed ay meelo kala duwan uga yimaadeen arrinkaa, sida Soomaali Galbeed, NFD iyo meelo kale oo S.Y.L. ay xoog ku lahayd, taa darteed waxa ay go’aansadeen in ay ka hor-tagaan sababna u noqdaan in uu baaqdo ama la qaban waayo isku soo bixii S.Y.L. qaban-qaabisay, waxayna goosteen in ay weerar ku asqaysiiyaan halgamayaashii S.Y.L. iyo Xaruuntooda.

Subaxnimadii taariikhdu ay ahayd 11, Janaayo 1948, saacaddu markii ay ahayd 08:30 am, dagaal ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho oo loo yaqaano ha noolaato, dagaalkaasi waxaa uu u dhexmaray SYL iyo Talyaaniga oo garab siinaayey ururadii pro-itaaliyaanka ahaa oo uu hoggaaminayey Xasan Barre Tooxoow, soona qaatay oo ruxayey calankii Talyaaniga, iyagoo wata baabuur, gaari-farasyo iyo dad lug ah oo ku dhawaaqata Viva Italia waxa ayna weerareen xaruntii dhexe ee SYL, dagaalkaas waxaa ku dhintay 52 ruux oo Talyaani ahaa iyo 15 ruux oo u badnaa pro-itaaliyaani iyo Xaawo Cusmaan (Xaawo Taako), inkasta oo SYL laga gardarnaa hadana waa guuleysatay SYL taas oo ku timid ruxii waddaniga ahaa iyo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed u qabeen SYL.37Bashiir Axmed, Dr-Ali Basha Roraye and 35 others41 Comments32 SharesLikeShow more reactionsComment

You must be logged in to post a comment Login