Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka Duulista Hawada oo sheegay inay guul ku dhamaatay kulamadii uu la qaatay Madaxda Hay’adda ICAO “SAWIRRO”

Published on June 21, 2014 by    ·   No Comments  ·   9 views

Wasiirka Gaadiidka iyo Saadaasha Hawada,Mudane Saciid Jaamac Cali Qoorsheel iyo wafdigii uu hogaaminayay oo dhawaanahan ku sugnaa xarunta dhexe ee Hay’ada Duulimaadyada Rayidka iyo Saadaasha Hawada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (ICAO) ee magaalada Montreal ee dalka Canada,ayaa shirarkii ay la qaateen Madaxda sare ee hay’ada ICAO ku soo dhamaaday guul iyo isfaham,sidii maamulka hawada Soomaalliya dib dalka gudihiisa loogu soo celiln lahaa,

Wasiirka iyo wafdigiisa intii ay ku sugnaayeen xarunta duuliymaadyada rayidka iyo saadaasha hawada waxaa u suurta gashay in ay socod ku soo maraan  dhammaan qeybaha kala duwan ee xarunta ICAO, warbixinna ka dhageystaan howl-wadeenada hay’ada ICAO, waxaana hay’addan xarunteeda dhexe markii ugu horeysay ee la aasaasay sanadkii 1947,marti galiyay magaalada Montreal ee dalka Canada,

Wasiirka iyo wafdigiisa waxay u soo gudbeen magaalada Toronto ee gobolka Ontario,halkaasi oo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen madaxda Jaaliyadda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ,Maalinimada Axada oo bisha ku June ku began tahay 22-ka ayuu Mudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheel si guud ula kulmi doonaa Jaaliyadda dalka Canada ku dhaqan ,isagoo uga warbixin doona xaaladda guud ee dalka, talaabooyinka horumarineed ee ay dowladda ku talaabsatay iyo doorka Jaaliyadda uga aadan dib u dhiska dalkooda.

eight five four  Silagra without prescription, zithromax without prescription. nine one seven three two

You must be logged in to post a comment Login