Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Fahad Yaasiin oo safar qarsoodi ah ku tagay Ruushka.

August 14, 20190by TaboolaSponsored LinksYou May LikeBrilliant Way To Check If You Had PPIMoney Tips Online

Ku simaha ahna ku xigeenka agaasimaha hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin, ayaa safar qarsoodi ah wuxuu ku tagay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Sida ay ogaatay Shabakadda Warqaad, waxaa Mr. Yaasiin safarkan ku wehlinayey wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Xildhibaan Aadan Isaaq.

Lama oga ulajeedka rasmiga ah ee uu u aaday Fahad dalka Ruushka, ama xitaa in ay la xiriirto arrimo sirdoon ama dhan ganacsi.

Wadanka Ruushka ayaa sanadihii dambe si xooggan ugu soo lug yeelanayey Qaarada Afrika, ku dhowaad 20 heshiis oo dhinaca ciidanka ah ayuu wadanka Ruushka la galay dowlado Afrikaan ah.

Arrintaasi waxaa walaac aad u xooggan ka muujiyey wadamada Galbeed ee Maraykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmal.

General Stephen Townsend oo dhowaan loo magacaabay taliyaha ciidanka maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku eedeeyey Kremlin in calooshood u shaqeystayaal u dhashay Ruushka ay u adeegsadaan sidii kheyraadka Afrika u qaadan lahaayeen.

Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in shirkadda Soma Oil uu saamigeeda ugu badani leeyahay ganacsade u dhashay wadanka Ruushka, kaasi oo lagu magacaabo Georgy Djaparidze.

Majirto weli xog dheeraad ah oo laga hayo safarka Fahad ee ku aaddan Ruushka, iyadoo xitaa ay dhici karto in arrimaha uu baxay ku leedahay shidaalka Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login