Muqdisho–Masuuliyiin sare oo katirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in kooxo ka socda Shiinaha ay bartilmaamaydsadeen cilmi baaris ay ku wadeen xanuunka saf marka ah ee Covid-19.
FBI’da Mareykanka ayaa sheegtay in ay aragtay iskuday lagu jabsanayo xogaha kooxo Mareykanka u qaabilsan u helida daawooyin caabuqa Karona sida talaal.
Mareykanka ayaa horay dowladda Shiinaha ugu eedeeyay in sheebaar ku yaalo dalkeeda uu kasoo baxsaday caabuqa Karona oo saameen xoogan ku yeeshay dunida oo idil. Waxaana xanuunkan saf marka ah uu sii xumeeyay xiriirkii u dhaxeeyay labada wadan.
In kabadan 4 milyan oo ruux ayuu cudurkan haleelay dunida oo idil iyadoona Mareykanka oo qura ay ug dhinteen dad kabadan 83,000 oo ruux.
You must be logged in to post a comment Login