Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

 

 

 

BAYAAN UU SOO SAARAY GUDOOMIYAHA XISBIGA BADBAADO QARAN (XBQ) DR. CABDIRAXMAAN MAXAMED CABDI XAASHI.        I                                                                            

Xukuumadda hadda haysa talada Soomaaliya waxa ay u geeysatay laba dhaawac oo halis ah rajadii iyo hiigsigii shacabka Soomaaliyeed ka filayeen doorashooyinka soo socda ee 2020/21. Dhaawaca hore waxa uu dhacay markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo ka baxay ballantii uu wax badan ku celcelinjiray oo ahayd in waddanka ay ka dhici doonto doorashooyin Hal-Qof iyo Hal-Cod ee 2020/21. Dhaawaca labaad waxa uu dhacay markii Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xusseen Rooble magacaabay xubnaha Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka oo ay ka midyihiin saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo midka Ra’iisul Wasaaraha, saraakiil xafiisyada madaxda dowlad goboleedyada, diblomaasiyiin, saraakiil amni iyo shaqaale dowladeed. Sidii ku qornayd warbixintii uu soo saaray Machadka Heritage bishii Nofeembar 2020 “… Magacaabistaasi waxa ay ka hor imaanaysa heshiiskii bishii Sebtember ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu doorashada ka galeen, kaas oo tilmaamayey in dhinac kasta uu magacaabi doono xubno dhexdhexaad ah oo dadka Soomaaliyeed kalsooni ku qabi karaan.”

Waxa cad in doorashada 2020/21 ay noqon doonto mid ay hareeyso wax isdabamarin baahsan iyo cadaalad darro oo ka daran doorashadii 2016-ka haddii aynan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble tixgelin weyn siinin cabashada musharaxiinta u tartamaya madaxweynaha, hogaamiyaashi hore ee dawladda, hogaamiyaasha xisbiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo shacbi weynaha Soomaaliyeed in xubnaha Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka ay noqdaan kuwo siyaasadda ka madaxbannaan oo isla markaana dhexdhexaad ah.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxa kale oo waxyeello u geysteen kalsoonida, hufnaanta iyo cadaaladda doorashooyinka 2020/21 markii ay u magacaabeen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka u xilsaaran soo xulidda xildhibaannada Soomaaliland xubno ay soo qoreen kooxda masuul ka ah dib u soo doorashada Madaxweyne Farmaajo. Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Soomaaliland waa in loo magacaabo xubno madaxbannaan oo dhexdhexaad ah sidii guddidii doorashoonyinkii 2016, oo hadda guddida doorashooyinka 2020/21 uu madax ka yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka soo jeeda Soomaaliland.

Haddii Madaxweyaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay dheg u jalaq siinwaayaan talooyinka ay soo jeediyeen musharrixiinta madaxweyne, bulshada rayidka ah iyo shacbi weynaha Soomaaliyeed in doorashooyinka soo socda loo qabto qaab xaq dhowr leh, cadaalad, daahfurnaan iyo wadatashi, markaa wixii dhaca ee ka yimaadda waxaa masuul ka noqonaya madaxdii go’aammada taxaddar la’aanta leh qaadatay.

Xisbiga Badbaado Qaran wuxu ku celinaya bayaankii ay horey ugu faafiyey warsaxaafadeedkii ugu horreeyay bishii Luulyo 09, 2020 soona baxay intii uusan bilaabmin shirkii Dhuusamareeb: “…Waxaan xusuusinaynaa madaxda maamul goboleedada iyo madaxda dowladda federaalka in ay waajib ku tahay in ay danta guud ka hormariyaan danta gaarka ah … Waxaan u soo jeedinaynaa madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka in mudnaanta kowaad ay siiyaan sugidda amniga iyo xasiloonnida waddanka.”

Wa Billahi Attawfiiq

Ref: XBQ/002/2020 Taariikh: 11/20/2020 Muqdisho, Soomaalia

badbaadoqaran@gmail.com @Badbaado_Qaran + (252) 614697754

You must be logged in to post a comment Login