Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhallinyarada ka soo goosanaya Al-Shabaab oo sii kordheysa

 

10672181_905896456104633_1634495746282010235_nMaamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dhallinyarada ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee isu soo dhiibaya ay sii kordhayaan si ay uga faa’iideystaan cafiska ay dowladdu u fidisay.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay toddobaad gudahiis ay isi soo dhiibeen 41 qof oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ka soo laabtay fikirkii khaldanaa ee kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu intaa ku daray in boqollaal kale oo ka tirsan kooxda ay soo socdaan sida ay maamulka u xaqiijiyeen odayaasha dhaqanka oo ay xiriir la soo sameeyeen dhallinyaradaasi.

“Waalidiinta carruurta iyo odayaasha degaanka ayaa nagala shaqeynaya sidii dhallinyaradaan logu fududeyn lahaa inay na soo gaaraan, waxaana heleynaa in boqollaal kale ay soo socdaan” ayuu yiri guddoomiye Siiddii.
order Female Viagra online cheap, buy zithromax.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa wada howl gal ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhibaato muddo ku hayay bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa cafis u fidisay dhallinyarada u dagaallamaysa kooxdaas haddii ay isi soo dhiibaay muddo 45 cesho gudahood ah. Taas oo keentay in tiro badan oo ay ku jiraan horjoogeyaal ay isu soo dhiibaan ciidamada dowladda.

You must be logged in to post a comment Login