Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tacsi.

Tacsi.

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyootay Jimcihii 5/4/13 magaalada Hargeysa Marxuumo Eado/Habaryar Seynab Sh.C/laahi Qudubi, Marxuumadu waxey aheyd reer Hargeysa muddo dheer dad badan oo reer Hargeyso ah ayaa garan. Ilaahey ha ka raali naqdo, dhamaan qaraabadiina Samir iyo iimaan ha ka siiyo.. Amiin.

Marxuumo Seynab sh. C/laahi Qububi waxey u danbeysay gabdhihii uu dhalay Sheekhu oo ahaa inta aan maqalay,4. Marxuumadda Seynab, Caasha, Ruqiya, iyo Faadumo, dhamaan Ilaahey ha uwada naxariisto.

Dhinaca Ragga Sh.C/laahi Qudubi wiilashiisii inta aan arkay ama aan maqlay waxey ahaayeen 5, Sh. Max’ed, Sh.Cumar Siyaad, Sh.Cusmaan, Sh. Cali iyo Abii Bakar sheekh oo ah kan kali ah ee ka nool hadda, isaguna wuxuu daganyahay Tuulo aan ka sii fogeyn Hargeysa (Ceel Bardaale).

Waxaa la dhihi karaa waxey ahaayeen jiil tagay, balsa inaguna wax badan kama danbeyno. Inkasta oo geerida loo simanyahan Yare iyo Weyne, hadana waxaa jira Jiil jiil.

Dhamaan qaraabadii dhimatay Naxariistii Janno Ilaahey ha ku maneysto, dhamaan inagana tubta toosan Ilaahey ha ina mariyo.

Fuad, Australia

You must be logged in to post a comment Login