Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

2 ka mida Ganacsatada hubka iibiya oo lagu dilay magaalada Muqdisho

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Meydka 2-Laba ruux oo la sheegay inay ahaayeen Ganacsato lagu arkay Agagaarka Ifka Xalane ee Magaalladda Muqdisho.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Labadaasi ruux la Kharijiyay Habbeennimadii xalay, Xilli ay Ifka Xalane kula balameen Dhalinyaro dooneysay inay iibsadaan Hub.

Labadaani Ruux ee la Kharijiyay ayaa la sheegayaa inay kamid ahaayeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Cirtoogte ay ku iibiyaan Hubka sharci darada ah.

Wararka ayaa sheegay in Labada Nin ee Ganacsatada ah ay ugu tageen Laamiga Ifka Xalane Koox hubaysan oo ay ku ballameen in ay Hub ka iibinayaan, balse markii ay u tageena ku ballan furay, kadibna inta ay dileen Lacagtiina Hubka kusoo iibsan rabeen ay sidaasi uga qaateen.

Dilka ka dib ayaa waxaa goobta ka baxsaday Raggii dilka geystay, waxaana intaa kadib halkaasi gaaray sida caadaduba aheyd Ciidamadad DFS oo halkaasi dad rayid ah ku qabqabtay.

You must be logged in to post a comment Login