Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladee wadata Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda Sare

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Ceydiid Ilka Xanaf gudoomiyihii maxkamada sare ee dalka Soomaaliya kadib wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray, wuxuuna xilkaasi u magacaabay shaqsi ku cusub siyaasada koofurta Soomaaliya balse kasoo shaqeeyay Somaliland.
Xogo aan helnay iyo warbixino ay ina siiyeen Ilo Xog ogaal ah ayaa shaacisay shaqsiga uu yahay Ibraahim Iidle Suleymaan oo loo magacaabay gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Soomaaliya.
Ibraahim Iidle oo siyaasada koofurta Soomaaliya ku cusub ayaa badalaya Ceydiid Ilko Xanaf oo shaqsi ahaan kasoo jeeda waqooyiga Soomaaliya, sidaasi si lamid ah Ibraahim wuxuu kasoo jeeda waqooyiga Soomaaliya.
Ibraahim Iidle wuxuu xilal kala duwan oo dhanka garsoorka uu kasoo qabtay deegaanada Somaliland, wuxuuna wax ku bartay jaamacado ku yaala dalka Sudan isaga oo bartay maadada sharciga.
Wuxuu haatan Somaliland ka ahaa qareenka guud ee Somaliland, isaga oo soo noqday gudoomiye maxkamadeed ilaa heer gobol.
Sidee ayuu Somaliland kaga soo tagay ?
Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Hargeysa ayaa inoo xaqiijiyay in Ibraahim Iidle Suleymaan uu ka ahaa Somaliland garyaqaanka guud ee Somaliland, balse wuxuu si farsameysan kaga tagay magaalada Hargeysa.
Sida xogta aan ku heleyno Ibraahim wuxuu madaxweynaha Somaliland u gudbiyay warqad uu ku sheegayo inuu doonayay fasax kooban oo uu arimo jaamacad la xiriira u tagayo dibada.
Xogta ayaa intaasi ku dareysa in Siilaanyo uu xilkaasi si KMG ah uu ugu magacaabay shaqsi kale, waxaana shaqsiga kale lagu wargeliyay inuu xilka sii heyn doono ilaa inta uu kasoo laabanayo Ibraahim Iidle, balse ma aysan dhicin.
Wuxuu sidaasi kaga soo tagay magaalada Hargeysa.
Dowladee ayaa wadata Iidle? Sildalis online, generic zithromax Apcalis SX Oral Jelly no rx, buy clomid online. . buy dapoxetine, buy lioresal.
Ibraahim Iidle ayaa markii uu ka tagay magaalada Hargeysa wuxuu tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaasi oo uu muddo kooban ku sugnaa.
Kulamo kala duwan oo uu maalmihii ugu dambeeyay la qaatay General Gabra ayaa sahashay in loo magacaabo xilkaan, waxaana meesha ka cad in dowlada Ethiopia ay wadato.
Iidle ayaa wuxuu noqonayaa shaqsigii labaad oo dowlada Ethiopia ay wadato xil looga dhiibo Somalia muddo bil gudaheed ah.

You must be logged in to post a comment Login