Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Taliyaha ciidamada Xooga dalka General Daahir Aadan Cilmi

4/10/2013

Mahaday, Taliyaha ciidamada Xooga dalka General Daahir Aadan Cilmi, ayaa sheegay in dagaalka ay kala horjeedaan Al-Shabaab uu yahay mid biloow ah.

Hadalkan wuxuu jeediyay Xilli Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe uu kula hadlyay ciidamo badan oo ka tirsan Ciidamada dowlada Somalia, waxaana uu shegay inuu Ciidamada Xoga dalka uu kula dardaarmayo inay muujiyaan dadaal dheeraad ah iyo geesinimo.

Wuxuu sheegay Taliyahu, inay ka go’an tahay in sidii shacabka Soomalaiyee ay u heli lahaayeen xorriyad ay u dhintaan oo uu ku tilmaamay inay tahay waajib iyaga saaran.
General Daahir Aadan, ayaa sheegay in hadii ciidamada dowlada Soomaaliya ay la tahay in uu dhamaaday dagaalka ay kula jiraan Shabaab uu iminka yahay mid biloow ah loogana baahan yahay inay fadhiga ka kacaan.

Wuxuu sheegay in ciidamada dowlada laga rabo inay u diyaar garoobaan dagaal kow ah oo ah la dagaalan Al-shabaab iyo inay degmooyinka iyo deegaanada wali Shabaabku ay joogaan inay ka saaraan.

Hadalkan ayuu taliyaha ciidamada xooga dalka ka sheegay kadib markii maalinimadii shalay uu booqday Degmada Mahadaay iyo deegaanada ku dhow ee Shabeelada Dhexe oo dhawaan ciidamada dowlada ay kala wareegeen Ururka Al Shabaab,

Arbacadii aynu kasoo gudubnay ayay aheyd markii Al Shabaabku weerar ku qaadeen degmadaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac, ayadoona maamulka uu guulo ka sheegtay.

You must be logged in to post a comment Login