Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qeyb ka mid ah Wasiirrada Maamulka KMG ah ee Jubba oo lagu dhawaaqay AKHRISO WAREEGTADA

Sabti, December 07, 2013 — Wareegto kasoo baxday xafiiska hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) ayaa maanta lagu magacaabay siddeed wasiir iyo madaxweeyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubba.

Munaasabaddii ku dhawaaqista golahan cusub ee wasiirrada oo ka dhacday madaxtooyada Kismaayo isla markaana ay goob-joog ahaayeen wasiirrada cusub ee la magacaabay iyo qaar ka mid ah odoyaasha beelaha Jubbooyinka ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay madaxweyne ku-xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo sheegay in muddo dheer kaddib maanta lagu dhawaaqay qaybtii koowaad ee golaha wasiirrada Jubba.

Afhayeenka maamulka Jubba, C/naasir Seeraar Maax ayaa warbaahinta u akhriyay digreetada lagu magacaabay golaha wasiirrada Jubba.Digreeto_ku_dhawaqid_wasiro

You must be logged in to post a comment Login