Sharif Hassan oo u soo tafa-xaytay rididda dowladda raisuwasaareKheyre

Filed under: Wararka |

 

 

Xog ay heshay warbaahinta ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kulan gaar ah la qaatay Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana kulanka uu ku saleysnaa inay u hormuud ka noqdaan xildhibaanada doonaya inay ridaan Xukuumada Soomaaliya.

Khilaaf xoogan oo ka dhaxeeya Shariif iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sabab u noqonaya in Xildhibaanada uu ku booriyo inay ka soo horjeestaan Kheyre.

Labadaan masuul ayaa aad isku khilaafay markii Xildhibaano Mooshin ka wada Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, taas uu ka carooday Shariif Xasan.

Xaalada adag oo ku dhex jirto xukuumada Kheyre ayuu kaga faa’iideysanayaa Shariif Xasan oo lagu yaqaano siyaasad aar goosi.

Kulanka ka dib ayaa Xildhibaanada iyo Madaxweynaha waxay isla garteen inaysan taageerin Go’aankii xukuumada ka qaatay arinta Qalbi dhagax, iyagoo xulufeysana xildhibaanada kale ee ka soo horjeeda.

Posted by on September 13, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply