Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dowladda wasiirada lixda gobol oo la dhaariyay

Wasiirada_Koonfur_Galbeed_oo_la_Dhaariyay_3

Wasiirada_Koonfur_Galbeed_oo_la_Dhaariyay_4

Wasiirada_Koonfur_Galbeed_oo_la_Dhaariyay_2 Munaasabad si weyn loosoo abaabulay ayaa maanta lagu dhaariyay wasiirrada maamulka koonfur-galbeed ee 6-da gobol ee uu dhawaan magacaabay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Madoobe Nuuunow Maxamed.

Xafladda oo lagu qabtay xarunta maamulka ee ADC-da Baydhabo ayaa waxaa goob-joog ka ahaa 20-xubnood ee wasiirrada ah ee maanta ka dhaariyay; iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen xafladda dhaarinta ah qaybaha bulshada Baydhabo.

Waxaa xafladda ka hadlay, Madoobe Nuunoow iyo guddoomiyaha golaha guurtada, Xasan Shure Maxamuud, waxayna sheegeen in iyaga iyo wasiirada la dhaariya ay si wadajir ah u shaqeynayaan ayna cadaalad ku maamuli doonaan shacabka gobollada uu maamulkan ka arrimiyo.

Xubnaha wasiirrada ah ee maanta lagu dhaarshay magaalada Baydhabo ayaa ka kooban 19-rag ah iyo hal dumar ah, iyadoo maamulku uu sheegay inay sidoo kale dhawaan ku dhawaaqi doonaan wasiir-ku-xigeennadooda.

Dhanka kale, maamul gobaleedka Koonfur-galbeed ee saddexda gobol oo dhawaan lagu dhisay Baydhabo, ayaa waxaa iyagana lagu wadaa inay saacadaha soo socda ku dhawaaqaan wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada maamulkaas.

You must be logged in to post a comment Login