Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Abaar iyo colaad ka jirta dalka Soomaaliya

Soomaaliya – Warbixin cusub oo ay soo saartey hay’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway ayaa lagu sheegay in in ka badan 137,000 [boqol iyo sodon iyo todobo kun] oo qof ay ka barakaceen guryahooda afarta bilood ee ugu horeysay ee sanadkan 2019.

Hay’adda ayaa xustay in barakaca gudaha Soomaaliya uu sii kordhayay mudooyinkii dambe kadib markii colaad iyo abaar ay ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.

NRC ayaa intaasi ku dartay in bishi Maarso ee lasoo dhaafay kaligeed ay barakaceen 51,000 [Konton iyo Kow Kun] oo qof, iyadoo tirada dadkaasi ay sii badanayso bilba bisha ka dambeysa.

Kennedy Mabonga oo ah agaasimaha NRC u qaabilsan gobolka ayaa sheegay in dadka soo bakaracay ay u carareen magaalooyinka waaweyn ee dalka, ayna ku nool yihiin kaamam ay ka sameysyeen guryo cowshado ka sameysan si ay ugu noolaadaan.

Barakacayaasha ayuu sheegay inay inta badan la kulmeen barakicin kale gudaha magaalooyinka ay ku nool yihiin, oo laga kiciyo dhulka ay sida KMG ah u degeen, halkaasi oo hay’adaha ay ku caawiyaan.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in dagaalladii dhexmaray Somaliland iyo Puntland ay ku qasbeen kumanaan qof inay guryahadooda ku yaalla gobolka Sool ay ka cararaan.

You must be logged in to post a comment Login