Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Abu-Cubeydah oo is-beddelo yaab leh ku dhowaaqay

Warar lagu kalsoonan yahay oo laga helay ilo ku dhow Hogaamiyaha Cusub ee Maleeshiyada Al-Shabaab Sheekh Axmed Cumar ‘’Abu Cubaydah’’, ayaa sheegaya in Hoggaamiyuhu uu ballan qaaday inuu waxbadan ka bedelaayo Nidaamka Ururka Al-Shabaab.

buy tadalafil, buy dapoxetine.

Abu Cubaydah, ayaa la sheegayaa in kullan uu la qaatay in kabadan 49 Horjooge uu ku wargaliyay inay soo gudbiyaan gabi ahaab Xabsiyada Axmed Godane, gaar ahaan kuwa sida qarsoon uu ugu shaqeynaayay inta uu noolaa.

Abu Cubaydah ayaa ballan qaaday inuu albaabada u laabi doono dhamaan xabsiyada qarsoodiga ah oo ay ku xiranyihiin Saraakiisha Maleeshiyada kuwa Mucaaradka ah iyo Eedeysanayaashii u xirnaa Godane.

Saraakiisha u xirnaa Godane ayaa weli ku jira Xabsiyada Qarsoodiga ah, waxaana la sheegayaa inay iska xirnaayen muddo badan, ayna la kulmayeen ciqaab midda ugu dhibka badan ee la marsiiyo ruux bani’adam ah, mana jirin inta ay xiran yihiin wax Maxkamad ah oo lasoo taagay.

Sidoo kale, Abu Cubaydah, ayaa waxaa lagu wadaa inuu yareyn doono Dagaalamayaasha Alshabaab, isagoona aad u kordhin doono Sirdoonka iyo kuwa Kooxda u qaabilsan Madaxjabinta ama Amniyaadka loo yaqaan.

Dhanka kale, Ballan qaadka uu ku dhawaaqay Abu Cubaydah, ayaa waxaa la sheegayaa in Haddii uu ka dhabeeyo ay noqon doonto tallaabadii u horeysay oo macnaheedu yahay wanaajinta muuqaalka sii xummaanaya ee kooxdaas iyo kasbashada xubnaha ka fallaagoobay kooxda.

You must be logged in to post a comment Login