Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Addis-Abab: Maxkamad Ku Taal Ethiopia Oo Koox Muslimiin Ah Dembilayaal Ku Xukuntay

Sida laga soo xigtay idaacada Fana, oo lagu tirayo in ay u dhowdahay dawlada Ethiopia, maxkamad ayaa ku heshay 13 muslimiin ah oo lagu eedeeyey in ay abuurayeen urur qarsoodi ah oo argagixiso ah.

Kooxdan oo ah haween ayaa kolkii hore loo qabtay in ay wajigooda qariyeen iyaga oo qaatay nooc kamid ah xijaabka loo yaqaano Niqaab.

Idaacada Fana ayaa maanta faafisay in gar-yaqaan u dooda dawladu oo haweenkan ku soo oogay dambi ah in ay diinta gabaad ka dhigtaan si ay u daboolaan ujeedadooda argagixiso.

Haweenkan ayaa ka soo horjeedsaday sharci u yaal jaamacadaha Ethiopia oo mamnuucaya in dumarku qariyaan wajigooda ama xidhaan Niqaabka.

Dhanka kale, wakaalada wararka ee AP ayaa soo xigatay hogaamiye koox mucaarad ah, Blue Party, oo ka hadlay xukunka muslimiinta. Madaxa ururkan, Yilikal Getnet, ayaa sheegay in xukunka maxkamadu yahay mid siyaasadeed oo lid ku ah xoriyada diimaha. Waxaa uu intaa ku daray, in uuna jirin dal xor ah qof ugu eedeeya argagixisinimo kaliya in uu jabiya xeerka diriska .

Sharciga lidka argagixisada ayaa horey loogu qaaday suxufiyeen iyo siyaasin mucaarad ah oo dawladu ku tilmaanaty in ay maleegayeen shirqoolo ka dhan ah xukuumada.
Kamagra Gold buy online, online Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login