Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Afhayeenak howgalada Al Shabaab Oo Shir Jaraa’id Ku Faah Faahiyay Howlgalladii Ugu Dambeeyay ay ka fuliyeen Muqdisho iyo nawaaxigeeda

Taliska ciidanka Xarakada shabaab ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ballaaran oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee Soomaaliya

Afhayeenka ciidanka XSH Sheekh C/caziiz Abuu Muscab oo shaleey galab dhici shir jaraa’ib qabtay ayaa sheegay in howlgallo isugu jiray duqeyn iyo qaraxyo ay ciidankoodu xalay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Wuxuu soo hadal qaaday madaafiicdii xalay lagu garaacay saldhigga ciidanka AMISOM ee isbartiibada Muqdisho iyo qaraxyo kabadan 20 oo xalay gilgilay xaafadaha magaalada Muqdisho,sidoo kale wuxuu faah faahiyay dagaallo saacado badan qaatay oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

You must be logged in to post a comment Login