Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Afhayeenka Al-Shabaab oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP sheegayna in uu si dirqi uga badbaaday Xasan Sheekh…

Taliska ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa war kasoo saaray dagaallo culus iyo qaraxyo maanta duleedka magaalada Marka ku qabsaday Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha DF-ka.

Sheekh C/caziiz Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada XSHM oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ciidankoodu ay maanta barqadii weerar ku qaadeen kolonyo uu lasocday Xasan Sheekh islamarkaana ay khasaara xoogan ugeysteen.

Abuu Muscab ayaa soo hadal qaaday gaadiid AMISOM iyo ciidanka DF-ka looga gubay weerarkii dhabagalka ahaa ee maanta ka dhacay deegaanka Bilaal Ex.Bilaal.

abumuscab1

Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab wuxuu sheegay in AMISOM ay maalmo ka hor qorsheysay in ay ciidan ku daadiso wadada isku xirta Marka iyo Afgooye balse arrinkaasi ay fashiliyeen ciidanka mujaahidiinta.

Gaadiidka gubtay mid kamida miino ayaa lakacday halka midka kale ay ciidanka muslimiinta madaafiicda RPG-da ka dhacda laheleen,askar farabadan ayaa la sheegay in AMISOM iyo DF-ka looga dilay dagaalkii maanta,ciidamo katirsan kuwa AMISOM oo wata kuwa gaashaaman ayaa markii dambe gurmad ahaan ugasoo dhaqaaqay Shalaanbood waxayna halkii lagu dagaalamayay ka gelbiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh.

‘Maanta mujaahidiinta waxaa ay qaadeen weerar dhabagal (jid xerasho ah), waxaana weerarkaas lala beegsaday Xasan Sh” ayaa uu yiri Afhayeenka Kooxda Shabaab Abuu Muscab.

404404_362623517086039_875807118_n

Hadalkan kasoo baxay Afhayeenka dhanka howlgallada Shabaab ayaa kusoo aadaya xili dhanka Afhayeenka Madaxweynaha Eng Yariisow uu beeniyay in madaxweynaha la weeraray.

You must be logged in to post a comment Login