Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Afhayeenka Al-Shabaab oo la sheegay in lagu dhaawacay Shabeellada Hoose.

S

Aug 14, 2019

 0S

Muqdisho–Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Afhayeenka Al-Shabaab  Cali Maxamuud Raaage Cali dheere uu ku dhaawacmay howlgal dhawaan ka dhacay deegaanka Shaam oo hoostaga degmada Aawdhegle, waxaana howlgalkan fuliyay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya.

Dhawaaca Cali dheere Afhayeenka Al-shabaab ayaa ah mid culus waxaana lagu hayaa degaan hoosyimaada degmada Kuntuwaareey ee gobolka Shabeelaha hoose, sida ay Idaacadda ciidamada qalabka sida u sheegeen saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya.

Ilo madax banana ayaa sheegay in weerarkaasi sidoo kale lagu dilay 15 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, mana jiraan faahfaahin intaasi ka dheer oo laga hayo.

Dhanka kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab, kaasi oo ku aadan in dagaal lagu dhaawacay afhayeenka Al-Shabaab. 

You must be logged in to post a comment Login