Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo dil ka badbaaday

images-1

Warar hoose oo la helay ayaa sheega in Sheekh Cali DHeere oo ah Afhayeenka Alshabaab uu ka badaaday isku day dil oo la doonayay in lagu khaarijiyo kadib markii la isku khilaafay xayiraadda Hormuud Telecom ee Jubbooyinka.

Xog la helay ayaa sheegaysa in Alshabaab ismaandhaaf soo kala dhex galay uu sababay in loo kala qeybsamo beelo waxaana ay u kala baxeen Dir iyo Hawiye.

Afhayeenka Alshabaab ayaa lagu soo warramayaa inmuu dil ka dabbaaday kadib markii ay isku khilaafeen in la xiro Hormuud xarumaheeda Jubbooyinka.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in Cali DHeere guri uu ku jiray lagu weeraray hase yeeshee uu ka badbaaday waxaana is hor istaagay dilkiisa ciidamo ilaalo ah oo uu watay.

You must be logged in to post a comment Login