Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Afhayeenka AMISOM Oo Sheegay In Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa AMISOM Ay Si Wadajir Ah Uga Hortagayaan Weerarada Argagixiso

cheap cardura online, purchase zithromax. Taliska ciiidamada AMISOM ayaa sheegay in ciidamada amaanka dowlada iyo kuwa AMISOM ay si wada jir ah uga hortagayaan isku dayada Shabaab, asagoo xusay in ciidamadu meelo badan oo ka mid ah dalka ay kaga horistaageeen in Shabaab ay meel mariyaan hamigooda.

Afhayeenka ciidamada AMISOM korneel Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in maleeshiyaadka Shabaab ay doonayaan is dhibaatooyin intan ka badan ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed balse sida uu sheegay ay ka hortaaganyihiin ciidamada amaanka dowlada iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay wiiqeen awoodii maleeshiyaadka Shabaab ayna ka saareen inta badan gobollada dalka isagoo tilmaamay in howlgalka ka dhanka ah Shabaab uu sii socondoono.

Afhayeenka ayaa ku amaanay ciidamada Dowolada iyo kuwa AMISOM sida geesinimada leh oo ay uga hortageen weerarkii fashilmay ee shalay oo shabaabku ku soo qaadeen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Col. Cali Aadan Xumad Afhayeenka ciidmada AMISOM ayaa umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay wiilashii ku dhintay dagaalki shalay iyagoo difaacaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login