Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Agaasimihii Hore Ee Nabad Sugida oo Si kulul u Eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Agaasimihii hore ee Hey’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa eed culus dusha ka saaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Agaasimaha oo ku sugan Magaalada Khartuum ee Dalka Sudan ayaa xalay ka qeyb galay dood cilmiyeed ka dhacay halkaasi, wuxuuna kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin amaanka dalka iyo sida ay Dowlada Soomaaliya wax u wado.
Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Soomaaliya ay magaca ka tahay Dowlad, isagoo sheegay in Xasan Sheekh uu kor ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya, balse uusan ahayn.
” Madaxweynaha magaca ayuu madaxweynaha ka yahay , Gudoomiyaha Baarlamaanka magac ayuu ka yahay Baarlamaan, Taliyaha ciidamada magaca ayuu ka yahay taliey ” waxaa sidaa yiri Agaasimihii hore ee Hey’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya.
Axmed Macalin Fiqi oo hadalka sii watay ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ku fashilmay booqashadii uu ku tagay magaalada Garowe ee Dowlad Goboleedka Puntland.
” Madaxweynaha marki uu booqanayo Puntland ama Kismaayo, kadibna uu ka amar qaadanay madaxweynahaasi, waxay cadeyneysaa inuusan ahayn madaxweyne Rasmi ah ” ayuu mar kale yiri Fiqi.
Agaasimihii hore oo xalay aad u dhaliilay madaxweynaha hada haya talada dalka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan Dowlada Xasan Sheekh aysan waxba dalka iyo dadka ku soo kordhin, wuxuuna shaaciyay inta yar ee u qabsoontay inuu horey u diyaariyay madaxweynihii DKMG Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Axmed Macalin Fiqi ayaa kamid ah Xisbiga Aala Sheekh, waxaana dhawaan ay ku dhawaaqeen Xisbi mucaarad ah oo loogu magac daray Xisbiga Isbaheysiga Qaranka,kaasoo ay sheegeen inay ku sixi doonaan qaladaadka hada ka jira Dalka iyo midka ay Dowlada ku dhaqmeyso.

You must be logged in to post a comment Login