Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ahlu Sunna: Itoobiya wax bay ka badali kartaa Soomaaliya

Ahlu –Sunna Waljamaca ayaa sheegtay in Ciidamada Eithopia ee ku biiray hawlgalka AMISOM ay kala qayb qaadan doonaan sida Ahlu sunna ay tilmaantay la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Sadaxda Gole Ahlu-Sunna Waljamaaca Shiikh Ibraahin Guureeye ayaa Warfidiyeenka u sheegay in Ahlu-Sunna ahaan ay soo dhawaynayaan In Eitrhopia ay ku biirto AMISOM, isla markaana ay la shaqayn doonaan.

Shiikh Ibraahin Guureye waxa uu sheegay in waxa badan ay iska bedeli doonaan hawlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, mar hadii Ciidamada Eithopia ay ku biireen Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaa kaloo uu sheegay guddoomiyaha in ciidamada Ethiopian-ka ah ay sahlayaan in Alshabaab dagaal looga saaro deegaanada ay kaga harsan yihiin gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login