Ahlu Sunna oo 10 Sharuud hordhigtay DFS & Galmudug

Filed under: Wararka |

Wadahadalka Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa wali hakad ku jira inkastoo ay dhinacyadii is hayay ay magaaladda Muqdisho kuwada sugan yihiin.

Sababaha keenay in dib uu udhaco wadahadalka ayaa lagu sheegay iney sharuudo adag wataan maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Sharuudaha ay wataan ayaa waxaa ku jira kuwa aan xataa u cuntami doonin dowladda Soomaaliya halka sidoo kale qaarkood ay diidan yihiin maamulka Galmudug.

Hoos ka Akhri Sharuudaha Ahlu Sunna

1. In Doorashada ka dhacdo Dhuusa Mareeb

2. In Baarlamanka Galmudug loogu daro 45 Xildhibaan ayna ka yimaadaan dhanka Ahlu Sunna

3. In maamulkooda la siiyo Madaxweyne Ku Xigen (Qodob si weyn loogu muran san yahay)

4. In dowladda Soomaaliya ay siiso Taliyaha Ciidanka Qeybta 21aad

5. In Ciidamada Ahlusunna laga dhigo kuwa katirsan dowladda Soomaaliya.

6. In la siiyo Guddomiyaha Gobolka Galgaduud

7. Sidoo kale in la siiyo Guddomiya-yasha degmoyinka Dhuusamareb , Guriceel , Caabudwaq Iyo Xeraale.

8. Waxaa jira warar sheegaya iney dalbadeen lacag dhan  5 Milyan dollar taas oo ay ku sheegeen iney siinayaan askartii mudada dheer soo dagaalameysay iyo maamulkii gacanta ku hayay

9. Sidoo kale waxaa ay dowladda madaxweyne Farmaajo ka dalbadeen xilal u badan Safiiro wadamada caalamka qaarkood

10. Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa dooneysa in 50% Gollaha Wasiirada Galmudug la siiyo.

Si kastaba, qodobadan ayaa waxaa ku jira kuwa aysan raali ka aheyn dowladda Soomaaliya, waxaana soconaya wadahadalo hordhac ah oo arimahaas xal looga gaarayo.

Posted by on April 21, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply