Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ahlu sunna oo ka biyo diidan qorshaha DFS

Kulamo lagu kala kacay ayaa waxay ka dhaceen magaalada dhuuso mareeb ee gobolka G/gaduud waxaana uu dhexmaray Wafdi kasocday Dawlada Somaliya iyo Maamulka Ahlusuna ee gobolka G/gaduud.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Somaliya Mudane C/llaahi Goodax Barre ayaa wafdi uu hogaaminayey waxay shalay gaareen Xarunta gobolka G/gaduud ee Dhuuso-mareeb iyadoo xalay tiro seddex jeer kulamo dhacayna la isku mari waayey qodobo kala duwan.

Dad ka qeyb galay kulamadaasi ayaa waxay Wakaalada Wararka Warqaad.so waxay sheegayaan in Dawlada Somaliya ay ciidanka Ahlusuna dooneyso in la qarameeyo laakiin Ahlusuna ay diidan tahay.

Ilo wareed ayaa waxay sheegayaan in dawlada Somaliya ay dooneyso magaca Ahlusuna la tir tiro maadama markii horeba ay xubno dawlada katirsan ay aas aaseen.

You must be logged in to post a comment Login