Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Akhriso 10-ka dagaal ee ka socda aduunka

depakote online, clomid online. Wargeysyo kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa saadaalin ku sameeyey colaadaha dunida sugaya sanadkan cusub ee 2015.
Majalada Foreign Policy ayaa saadaalisay in sanadkan 2015 ay aduunka kasii socon doonaan 10 dagaal:-

1- Dagaalka Suuriya iyo Ciraaq oo sababta ugu weyn tahay xukuumadaha ku dhisan qolo-qolada iyo xoogeysiga dowladda Islaamiga ah.

2- Dagaalka Ukraine ee u dhaxeeya dowladda iyo kooxaha gooni u goosadka ah ee Raashiya taageeto.

3- Dagaalka Koonfurta Sudan ee u dhaxeeya dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Salva Kir iyo hogaamiyaha mucaridka, Riek Machar.

4- Dagaalka Nigeria ee u dhaxeeya dowladda iyo kooxda Islaamiga ah Boko Haram.

5- Dagaalka Soomaaliya ee u dhaxeeya dowladda iyo Islaamiga ah ee Alshabaab.

6- Dagaalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ee u dhaxeeya dowladda iyo Jabhad Mucaarid ah.

7- Dagaalka Afghanistan ee u dhaxeeya dowladda iyo Daalibaan.

8- Dagaal Yemen ee ay ku lugleeyihiin dowladda, Alqaacidda iyo kooxda Xuuthiyiinta ee Shiicada ah.

9- Dagaalka Liibiya oo dalkaas geliyey fowdo, iyadoo ay dagaalmayaan dowladda, Kooxo Islaamiyiin ah iyo ciidamo ka amarqaata rag gaar ah sida Jen. Khalifa Xaftar.

10- Qalqalka siyaasadeed dalka Venezuela, iyadoo dalkaas ay ka jiraan iska hor imaadyo u dhaxeeya dad debadbaxaya iyo booliska iyo maleeshiyaadka xukuumadda taabacsan.

You must be logged in to post a comment Login