Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Akhriso Taariikh Nololeedka Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Nabad-Sugida Soomaaliya

Waxaa Maanta la Magacaabay Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Nabad-Sugid Qaranka Soomaaliya oo loo Magacaabay Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo horey u hayay xilka Gudoomiyaha Maxkmada Sarre ee Ciidamada Qalabka Sida.

Agaasimaha Hey’ada Sir-doonka & Nabad-Sugid Qaranka Soomaaliya. Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare , ayaa ah Sarkaal Da’yar ah in Muddo ah kasoo shaqeeynayay Howlaha Ciidamada, waana Aqoonyahan Khibrad iyo Barashaba ka heysta Siyaasadda iyo Sharciga.

Heerka Aqoonta Akadeemiga ah ee Agaasimaha Nabad Sugida:

Col. Tuuryare 2005- Woxow Shahaadada Heerka Koobaad ee Jaamacadda amba Bachelor degree ka qaatay Jaamacadda Muqdisho oo ow Cilmiga Qaanuunka iyo Shareecada ka bartay. 2000- Woxow ka baxay Machadka Alcimra- Muqdisho 1993-1997- Woxow dhamaystay Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Degmada Ceel-Dheer, Gobalka Galgaduud.

2008- Wuxuu Koorsa Sanad iyo Bar socotay kuna saabsanayd Sharciga Duulimaadyada Diyaaradaha (Aviation and reservation) ka qaatay Machadka Laasilki Al-Dowli ee Cilmiga Tiknoloojiyadda iyo Injineeriyadda oo ku yaala Magaalada Qaahira.

2009- Woxow Diplooma sare oo Sharciga ah Muddo 2 Sano ahna Barashadeedu socotay ka qaatay isla Akaadeemiyadda lasoo sheegay.

2011- Woxow Akaademiyadda sare ee Daraasaadka & Cilmibaarista oo hoostagta Jaamacadda Carabta kaqaatay Shahaadda Heerka Labaad ee Master Degree-ga oo ow ku takhasusay Qaanuunka, gaar ahaana Heshiisyada Caalamiga ah, asigoo Buugiisa Qalin-jebinta Master-ka oo 407 Beg ka koobnaay Cinwaan ugaga dhigay “ Heshiisyada aan isku dhigmin ee Soomaaliya ay la gasho Dowladaha kale iyo saameynta ay Mustaqbalka ku yeela karto Amniga Qaranka soomaalia”.

Col. Cabdiraxmaan wuxow hada u sharaxanyahay qaadashada Shahaadada PhD oo ow ku diyaarihaayo Xariirka Caalamiga ah, asigoo ka diiwaan-gashan Akaademiyadda sare ee Daraasaadka & Cilmibaarista oo hoostagta Jaamacadda Carabta, kuna taala Magaalada Qaahira ee Dalka Masar .

Xilalka uu soo qabtay Taliyaha Cusub ee Hay’ada Nabad Sugida Qaranka.

1-Taliyaha CTU” Counter Terrorism Unit” oo ow Laba Sano hayay

2- Taliyaha Hogaanka Xariirka Dibadda.

3- Taliyaha Hogaanka Baarista danbiyada

4- Taliyaha Hogaanka Tababarada & Qorsheynta oo ah Xilkii ugu danbeeyay ee ow ka haayay NISA

5- Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, woxow Darajada Ciidanka ka gaaray G/le sare (Full Colonel)

Khibradaha Shaqo & Aqoonta Ciidan

2002-2004: Woxow ka mid ahaay Macalimiintii Xisaabta iyo Luuqadda Carabiga ee Magaalada Muqdisho, isla xilligaasna woxow dhinaca Tababarada kala shaqayhaayay Ururada bulshada rayadka ah gaar ahaan daladihii la dhihijiray cogwo, inxa iyo ururka (justice watch association) JUWA.

2005-2006: Wuxuu la shaqa bilaabay Dowladdii Kumeel gaarka aheyd oo markaas fadhigeeru ahaay Jowher, woxowna ka shaqeyhaayay Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalka- Xafiska Wasiirka- iyo Wasaaradda Qoyska & Arrimaha Bulshada.

2007- 2010: Woxow Madax u ahaay Urur Dhalinyaro oo la yiraa Somali Youth organization (SYO) oo kulmiyo Dhalinyaro Aqoonyahanno ah, kuwaas oo dhamaan Gobalada Dalka kasoo kala jeeday.

Ururkan SYO waxaa lugu aas-aasay Magaalada Qaahira, waxeyna Ujeedadiisu ahayd sidii Dhalinyarada wax-baratay looga looji lahaay Tahriibka, looguna dhiiri geli lahaay inay Dalkoora kusoo laabtaan, kana qayb qaataan badbaadinta Dalka iyo Dadka. Kamagra Soft no rx, dapoxetine without prescription.

You must be logged in to post a comment Login