Al Shabaab iyo ciidamada DFS oo ku dagaalamay Kaxda

Filed under: Wararka |

A�A�

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo Xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaaadeen Ciidamo uu hoggaaminayay taliyaha Nabad Sugida degmadaasi oo howlgallo ka waday halka loo yaqaano Boqolka Boos oo ka tirsan degmadaasi Kaxda.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay 1 Askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Lama oga illaa iyo hadda dhanka Xarakada Al Shabaab khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaaray dagaalkaasi.

Masa��uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaxda ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi, basle waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan.

Dagaalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab degmadaasi ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Posted by on March 12, 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply