Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al Shabaab iyo Hub lagu qabtay Kismaayo, Jubada Hoose

Wararka laga helayo Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Ururka Raaskambooni ay howlgallo ballaaran ka bilaabeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, waxaana lagu soo qab qabtay Dhalinyaro lagu tuhmay Al Shabaab iyo Hub.

Taliyaha amaanka ee Magaalada Kismaayo oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dhalinyaro lagu tuhmay Al Shabaab iyo Hub lagu qabtay Kismaayo kadib howlgallo Guri Guri ah oo laga fuliyay Xaafado ka mid ah Kismaayo.

Waxuu carabka ku dhuftay Taliyaha amaanka ee Magaalada Kismaayo, in Dadka la soo xiray qaarkood ay ka tirsan yihiin Maleeshiyaadka Ururka Al Shabaab oo Weerarada ka fuliya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Howlgallo kan la mid ah oo Shalay laga sameeyey Xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ku dhawaad 28 Ruux oo looga shakiyay ka mid ahaanshaha Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab. order Extra Super Tadadel online, acquire zithromax.

You must be logged in to post a comment Login