Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-Shabaab iyo shacab ku dagaalamay Hiiraan

Sildalis without prescription, purchase clomid.
Iska hor-imaad u dhaxeeya maleeshiyada Al-Shabaab iyo dadka degaanka ayaa ka dhacay tuulada Shooli oo u dhow degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku dhimatay iska hor-imaadka ayadoo maleeshiyaadku ay dab qabadsiiyeen qeybo ka mid ah tuuladan.

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM eek u sugan Buulo Burte ayaa saakay gurmad u sameeyey dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Buulo Burte Cismaan Geeddi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in shan ka mid ah kooxda Al-Shabaab iyo qof ka mid ah dadka degaanka ay ku dhinteen dagaalkaas.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka cararay tuulada. Xoolalleyda gobolka Hiiraan ayaa dhowr degaan dagaal kula galay maleeshiyaadka Al-Shabaab inta ay socdeen howl-gallada ka dhanka ah maleeshiyadaas ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

You must be logged in to post a comment Login