Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al shabaab la isugu tagay(lagu goobtay)

zoloft tablets buy, generic dapoxetine. Warka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay toogasho ku dileen dhalinyaro wadatay gaari ay ka buuxeen walxaha qarxa.

Wararku waxa ay tilmaamayaan in toogashada Maleeshiyada wadatay gaariga ay ka qeybqaaten Ciidamo ka tirsanaa Militeriga somalia gaar ahaan kuwa ku sugan xadka, waxaana la Tilmaamayaa in gaarigaasi ay la socdeen ilaa 5-ruux oo qorsheyneysay inay fuliyaan weeraro ismiidaamin ah.

Afhayeenka Waaxda Difaaca ee Kenya, Bogita Ongeri waxa uu Wargeyska The Standard Digital u sheegay inay ciiddanka isku dhafka ee Kenya iyo Somalia gaariga ka heleen 6 suumanka loo adeegsado falalka Isqarxinta iyo 100 Kg ee maadada TNT ee loo adeegsado farsamaynta Bambooyinka.

Bogita Ongeri, waxa uu sheegay in Maleeshiyadaasi ka tirsanaa Alshabaab ay doonayeen inay Deegaanka Dolo ee Degmadda Moyale ee dalka Ethiopia uga sii gudbaan xuduudka Kenya, hayeeshee ay arrintaasi ku hingooben.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay tacshiirad isweydaarsadeen ciiddanka iyo raggii watay gaariga, waxaana uu xusay in halkaasi lagu dilay shantii nin ee la socotay gaariga, oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Alshabaab.

Dhanka kale, waxaan ilaa iyo hadda la Ogeyn halka uu taargeedka gaariga miineysnaa iyo ragga la socday uu ahaa, balse Taliska Boliska Kenya oo xogo is dabajoog ah muddo Seddex maalin helay ayaa Cadeeyay in Maleeshiyada Alshabaab ee gaariga saarnaa ay duullaan ku ahaayen Saldhigyada Ciidamada Kenya ee Nairobo.

You must be logged in to post a comment Login