Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al Shabaab lagu qabtay Degmada Dhoobley

Erectalis for sale, acquire clomid. Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya, Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgallo ballaaran kadib waxey gacanta ku soo dhigeen ku dhawaad 6 Ruux oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab.

Cabdi Xirsi Weyrshe oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheega in Ciidamada amaanka ay Degmada Dhoobley ka soo qab qabteen Ilaa iyo 6 Ruux oo ka mid ah Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Waxuu Sarkaal Cabdi Xirsi Weyrshe tilmaamay in labo ka mid ah 6 la qabtay in ay yihiin Haween kuwaasi uu ku tilmaamay in ka tirsan yihiin Al Shabaab islamarkaana qeexay in ka mid ahaanshahooda uusan shaki ku jirin.

“Waxaa noo suuro gashay in aan gacanta ku soo dhigno Kooxo ka tirsan Al Shabaab, waxaana sidoo kale jira kuwa kalena aan ku raadjoogno iyaguna waan soo qaban doonaan Insha Allah” sidaasi waxaa yiri Cabdi Xirsi Weyrshe oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dagaal yahanada ka tirsan Al Shabaab ee gacanta lagu hayo ayaa mid noqonayo kuwa inta badan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku qab qabteen Howlgallada ka dhanka amanka ee laga fuliyo Degaano iyo Degmooyin dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login