Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al shabaab oo arin fool xumo ah ka geystay deegaan hoostaga gobolka Gedo

Wararka aan ka helayno deegaanka Ceel dheere ee gobolka Gedo Kooxda Al shabaab ayaa waxay dab qabad siiyeen Matooro badan oo dadka kaga faa’iideysan jireen dhalinta korontada iyo Biyaha deegaankaasi.

Shabaabku waxay ku gubeen oo dab ay ku daareen 7 matoor oo la sheegay inay biyaha iyo korontada dadka deegaankaasi siin jireen taasi oo arin aad uga caroodeen ay noqotay falkaasi.

Gudoomiyaha deegaanka Ceel dheere ee gobolka Gedo Maxamed Cameey oo saxaafada qaarkood la hadlay ayaa waxa uu sheegay inay nimankii nabadiidka shabaab ay matooro dadka ay ku manaafacan jireen dab qabad siiyeen.

“Adeer waxa jiray arin fool xun oo Argagaxisadii ay ka sameeyeen deegaanka waxaana ay dab qabad siiyeen 7 matoor waana mid ka mid ah cadaawada ay uqabaan shacabka ayuu yiri gudoomiye Cameey”.

Al shabaab oo ah mucaaradka hubeysan ee dawlada iyo joogitaanka ciidamada Amisom kasoo horjeeda ayaa waxay sidaas oo kale tiro kol hore ah ugubeen matooro dadka korontada iyo biyaha siin jiray qeybo katirsan isla gobolkaasi Gedo.

You must be logged in to post a comment Login