Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al Shabaab oo Boqollaal Askari Ku Daadgureysay Wadada Isku Xirta Hiiraan iyo Shabeelahaha dhexe.

Kadib dagaallo culus oo arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Fiidoow ee gobolka shabeelaha dhexe ayay ciidamada shabaabu dhaq dhaqaaqyo xooggan bilaabeen.

Wararka ka imaanaya deegaanada kala qeybiya Hiiraan iyo shabeelaha dhexe ayaa xaqiijiyay in boqolaal katirsan ciidamadaAl-shabaab oo wata gaadiidka dagaal ay saacadihii lasoo dhaafay kusii qulqulayeen deegaanada ku teedsan wadada laamiga ah.

Ilo wareedyo mas’uul ah oo ay SomaliMedia soo xiganayso ayaa xaqiijinaya in Al-shabaab adkeeyeen ammaanka wadada si ciidamada DFS iyo kuwa Amison aysan ugu suurtagelin in ay isaga kala gudbaan Buula Barde iyo Jowhar.

Dagaal arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay Fiidoow ayaa si xun loogu jebiyay ciidanka DF-ka iyagoona xarakada Al Shabaab ay qaniimeysatay 5 gaadiidka dagaalka ah oo mid kamida uu ahaa nuuca rasaastu Karin.

You must be logged in to post a comment Login