Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-Shabaab oo dad badan u xirxiray amaradoodii oo ay jebiyeen

Xarakada al Shabaab ee ka dagaalanta koofurta, Bartamaha iyo Bariga Soomaaliya ayaa magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku xireen siddeed qof oo ay sheegeen inay isku dayayeen inay qaab dhuumaaleysi ah jaad ku geliyaan magaalooyinka Buulo-Mareer iyo Kurtunwaarey oo kooxda Shabaab ay maamusho.

Waxa ay kuwarameen dadka deegaanku in inay arkeen dagaalamayaal Shabaab Shabaab ah oo xabsiga sii gelineysa siddeed nin iyo jawaanno jaad akabuuxo oo xilligii ay qabanayeen ay wateen.

Ragga laqabtay iyaga oo qaaadka u wada magaalada Buulo-Mareer, ayaa lasheegay in magaalada Marka ee xarunta gobolka ay waligood kasoo daabuli jireen qaadka tan iyo markii Shababaku ay mamnuuceen isticaalka iyo iibinta Qaadka

al-Shabaab ayaa sheegtay in xukun xabsi ah lagu ridi doono dadka la xiray, lana gubi doono jaadka ay wayeen lacag ganaax ahna laga qaadi doono.

You must be logged in to post a comment Login