Al Shabaab Oo Gaari Xumuul Ah Ka Qabsaday Ciidamada Kenya

Filed under: Wararka |

Wararka laga helayo Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Xoogaga Ururka Al Shabaab, ay Xalay la wareegeen gaari xamuul ahaa oo saad iyo sahayba u siday Ciidanka Militariga Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

Kolonyo ay wateen Ciidanka Kenya oo ka yimid xuduuda Kenya, kuna wajahnaa Deegaanka Buusaar, oo 40km u jira Degmada Ceelwaaq, ayaa waxaa uu roob mahiigaan ah uu ku hakiyay Deegaanka Budada, oo 5km u jira Ceelwaaq.

Wararka ayaa sheegaya in roobka oo waddada ku xanibay Ciidamada Kenya, islamarkaana Gaari nuuca xamuulka qaada ah oo meesha ay uga tageen ay qabsadeen Xarakada Al Shabaab.

Weli lama oga khasaaraha guud ee dhashay Weerarka gaadmada ahaa ee Xarakada Al Shabab ay ku qaadeen Ciidamo Kenyaan ah oo ilaalo ka ahaa gaarigaasi.

Posted by on October 13, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply