Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al Shabaab oo ku amray dadka in ay Jilib difacaan oo ayna ka qaxin

Cialis Super Active online, buy clomid.

Wararka saaka Warabahinta k24 uga imaanaya Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegayan, Cabsi Xoogan ay ka jirto kadib markii Ciidamada AMISOM iyo kuwa Maamulka KMG ah ee Jubba ay dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka wadaan halkaasi.

Illo lagu kal soon yahay ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Difaacyo adag dhigeen Meelaha laga soo galo Magaalada islamarkaana ay Hawada ka saareen Isgaarsiintii Degmadaasi iyo Deegaanada Hoostaga intaba,si aan loola socon Dhaqdhaqaaqyada ay sameenayaa.

Sidoo kale Xalay intii aan Isgaarsiinta la jarin ayaa waxaa Dadka Goobjoogeyaasha ah ay noo sheegeen in Diyarado Jawi Hoose ku Duulaya lagu Arkay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe.

Dadka Shacabkaa ayaa Cabsida ugu weyn ay la soo daristay,waxaana Al-shabaab ay Dadka u sheegeen in aysan Barakac sameeyn karin oo Ciidamada Weerarka ku soo ah ay Dadka ka difaacayaan.

Al-shabaab ayaa la aaminsan yahay in aysan ku dagaalami karin Goobaha hada ay Gacanta ku hayaan,maadaama ay Baneeyeen Degmada Baraawe oo aheyd Goobta ka liya ee ay Dalka Soomaaliya ugu Xoog badnaayeen.

You must be logged in to post a comment Login