Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

AL-SHABAAB oo ku dhawaaqday in ay joojisay dagaalladii ay qaadi jireen

shabab

Ururka Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay go’aan aan marnaba laga fileynin kaasoo ah oo in ay joojiyeen dagaallada tooska ah oo ay la gallayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Guddoomiyaha Shabaabka ugu magacaaban gobalka Galgaduud, Sh Xasan Yacquub Cali oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in aaney diyaar u ahayn dagaal ama weerar ay xilligan ku qaadaan dowladda iyo ciidanka AMISOM, balse wuxuu xaqiijiyay in ay is-difaaci doonaan haddii la soo weerarro.
Mar uu ka hadlaayay ciidamo Ethiopian ah oo soo gaaray Galgaduud, wuxuu tilmaamay in aanu wax ka badali doonin dagaallada ay ku jiraan dowladda iyo ciidanka AMISOM “Waa uu laba jibaarmayaa kaliya”ayuu yiri Sheekha.
Wuxuu shacabka ku dhaqan Galgaduud ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaal billow ah oo lala galaayo ciidamada Ethiopia.
Gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya waxa uu ka mid yahay gobalada ay deeganno muhiim ka arrimiso Al-Shabaab, waxaana halkaas horrey u la dagaallamay ciidamada Ethiopia iyo kuwa Al-Shabaab.

You must be logged in to post a comment Login