Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-shabaab oo maanta gubay gaadiid AMISOM leedahay.

Dagaalamayaal Shabaab ah ayaa maanta waxa ay ku guuleesteen in ay bartamaha magaalada Marko ku gubaan Booyad ay lahaayeen ciidamada AMISOM sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Booyad ay leeyihiin ciidanka AMISOM ayaa markii hore waxa lagu qarxiyay Miino kadibna waxaa dagaalamayaasha Shabaabka ah ay lasoo bexeen sebenno kuwaas oo ay ku ridayeen halkaas oo ay booyadii ku gubatay.

404404_362623517086039_875807118_n

Weerarkaasi oo aan la ogeyn qaraasara nololeed ee kasoo gaaray ciidankii lala eegtay oo ahaa kuwa ka socday dalka Burundi ayaa waxa uu hormuud u noqday in guud ahaan magaalada marko ay kabilaawdaan baaritaanno ay sameynayaan ciidanka AMISOM iyokan dowlada Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay ee kooxda Shabaab ay weerar fool ka fool ah ku qaadaan gaadiid AMISOM ay leedahay oo maraya magaalo guud ahaan gacanta ay kuheyso dowlada Soomaaliya.
Warar lagu qoray shacabakada afka Shabaabka ku hadla ayaa sheegayaan in kooxda Shabaab ay sheegteen masuuliyada weerarkii maanta ciidamada Burundi lagula eegtay marko ee Booyada looga gubay.

You must be logged in to post a comment Login