Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al shabaab oo magaalada Baraawe ku dilay dad ay ku eedeeyeen jaasuusiin.

An Islamist fighter from Al-Shabaab Mujaahidin stands guard on the outskirts of Mogadishu

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Baraawe ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in shaleey galab xukuno dil ah lagu fuliyay dad al shabab ay ku sheegeen Jawaasiis la shaqeynayay Hay’ado Reer galbeed ah.

Fagaare weyn oo kuyaal magaalada Baraawe ayaa lagu toogtay Sedax Nin oo ay Al shabaab sheegen iney ku lug lahaaday duqeymo lagu dilay saraakiil katirsan Xarakada Al shabaab Soomaaliya.

Wariyaal ku sugan Baraawe ayaa sheegay in sedaxda Jawaasiita ah ee ladilay lagu helay fududeynta weeraro ka dhacay Jubbada dhexe iyo shabeelaha Hoose.

1-Axmed Cabdullaahi Max’med Faroole oo 47 sana jir ah waxaa lagu helay in uu la shaqeynayay sirdoonka maamul goboleedka Puntland isagoona farmuuqi jiray Al shabaabka buuraha Goolis,Axmed Cabdullaahi waxaa adeer u ah Cabdi Raxmaan Faroole hoggaamiyihii hore ee maamulka Puntland.

2-Maxamed Geelle Cabdulle oo 29 sano jir ah ayay ku caddaatay in uu sirdoonka Faransiiska u fududeeyay howlgalkii fashilmay ee degmada Bula Mareer ka dhacay bishii Jannaayo.2013 islamarkaana oo agaasimay duqeyn sanaddii lasoo dhaafay ka dhacday meel ku dhaw Jilib.

3-Cabdi Raxmaan Cabdi Ladiif axmed 23 jir wuxuu katirsanaa Sirdoonka DF-ka.

You must be logged in to post a comment Login