Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-shabaab oo Oday 64-jir ah ku Toogtay Shabeelaha Hoose

Wararka laga helayo Deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Shalay Galinkii danbe ay Toogteen Nin Oday ah oo Da’diisa lagu sheegay 64 Sano jir.

Ninka Odaygaa ayaa lagu Magacaabi jiray Axmad Cali Geedi, Waxaana ay Xarakada Al-shabaab ku Eedeysay in uu ka Tirsanaa Booliska Soomaaliyeed.

Warbaahinta ku Hadasha Afka Al-shabaab ayaa waxaa ay Daabacday Hadal ay ku Caddeyneyso in Ninkaas la yiraahdo Axmed Cali uu ahaa Sarkaal Sare oo Boolis ah, Halka dadka Deegaanku ay sheegeen in uu ka mid ahaa Dadka Deegaanka uu Dilkiisu ka dhacay, Beeraleyna uu ahaa.

Eriacta online, buy dapoxetine.

Al-shabaab waxaa ay ku sheegeen Ninkaas Odayga ah in uu ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda ee ka shaqeeya Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Kooxda Shabaab ayaa dad Badan oo ay ku Eedeysay Basaasnimo iyo in ay ka Tirsanyihiin Askarta Dowladda waxaa ay ku Dileen Gobollada Dalka, kuwaa oo ay ugu Dambeeyeen Dilalka ay Maalin kaliya u Geysteen 6 dhallinyaro ah oo ka kala Dhacay, Baardheere iyo Buq-aqable.

You must be logged in to post a comment Login