Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-Shabaab oo sheegay in ay dilleen saraakiil Jabuutiyaan ah

Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen inay dileen saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Buulo burde ee Gobalka Hiiraan, Kadib dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay Degmadaasi.

Afhayeenka dhanka howlgalada Ururka Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa wuxuu sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay Bariga Degmada Buulo burde uu ahaa dagaal culus oo ay ku qaadeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Abuu Muscab ayaa ku sheegay dagaalkaasi inay ku dileen saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti oo uu ka xusay nin uu ku sheegay Magaciisa Col. Guuleed darajadiisana uu ku sheegay kuxigeenka Taliyaha ciidamada Jabuuti ee Gobalka Hiiraan.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay xaqiijiyeen geerida sarkaalkaasi ka tirsan ciidamada Jabuuti, wuxuuna ku faanay inuu ku baxay gacanta Al-Shabaab sida uu yiri.

Muddooyinkaan dambe wuxuu tilmaamay inay kordhiyeen weerarada dagaalka ah ee ay ka geysanayaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti Gobalka Hiiraan.

Majirto ilo kamadaxbanaan Al-Shabaab oo xaqiijinaya inay Shabaab dileen Sarkaal ka tirsan ciidanka

You must be logged in to post a comment Login