Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland

 

Muqdisho–Al-Shabaab ayaa maanta waxa ay sheegteen qaraxii maanta ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaas oo lagi dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland iyo saddex ka mid ah ilaaladiisii.

Al-Shabaab ayaa war ay ku daabaceen boggooda Internet-ka ee ay ku faafiyaan wararkooda,waxa ay ku sheegeen in ay weerar qarax loo adeegsaday ay ku dileen guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland.

Qaraxan maanta dhacay ayaa waxaa uu ahaa mid ismiidaamin ah,kaas oo sida la sheegay loo adeegsaday Mooto Bajaaj, waxaana sidoo kale uu dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa markii uu qaraxu dhacayay.

You must be logged in to post a comment Login