Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-Shabaab oo tababar ugu soo xirtay dagaalyahano cusub gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya magaalada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalyahano cusub oo Shabaab ah tababar loogu soo dhameeyay halkaas.
Tababarkan oo ay bixinayeen saraakiil Shabaab ah ayaa waayadan ka socday Duleedka Ceel-Buur iyadoo maanta loo soo xiray.
Saraakiil Shabaab ah oo hadalo ka jeediyay soo xirida tababarkan ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamadan tababarka loo soo xiray ay isugu jiraan kuwa Militeri ah iyo kuwa si gaar ah ubabaran.
Hogaamiyaha Shabaab ee Galgaduud Sh Xasan Yacquub iyo Gudoomiyaha Shabaab ee Sh/dhexe Sh Ciise Kabakudukade ayaa kahadlay munaasabada tababarka lagu soo xirayay
Shabaab ayaa dhoolo tus ciidan sameeyay markii tababarkan loo soo xirayay, waxaana tababarkan uu kusoo aadayaa xili Shabaab ay kasii dhamaanayaan qeybo badan oo gobollada dalka ah.

You must be logged in to post a comment Login