Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-shabaab oo warqado digniin ah ku daadiyay magaalada Muqdisho.(Maxa ku qoran akhri).

xarakada Al-shabaab ee waayahan dambe aad ugu soo xoogeystay magaalada Muqdisho ayaa fiidnimadii xaley waxa ay magaalada ku daadiyeen waraaqo digniin ah oo ay fariin ugu dirayaan gaadiidleyda BL-ka iyo shacabka reer Muqdisho.

Warqadaha digniinta ah oo ay daadiyeen Al-shabaab ayaa waxaa ku qornaa in waqtigan wixii ka dambeeya raga iyo dumarka aysan baabuurta is dhex fariisan karin.

Arrintan ayaa waxaa aad ula yaaban shacabkii warqadahaasi iyagu akhristay, waxayna sheegeen inay tahay wel wel iyo walaac din u soo cusboonaaday.

Hadaba lama oga in awaamiirtan ka soo baxay Al-shabaab ay shacabka reer Muqdisho, iyadoo dadka qaar ay kuu sheegayaan in qaadashada awaamiitooda ay ka bilaabatay baabuurta ka shaqeeysa inta u dhexeeysa Baar Ubax ilaa iyo Suuqa Xoolaha.

404404_362623517086039_875807118_n

You must be logged in to post a comment Login