Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-Shabaab oo Weerar Culus ku qaaday Halgan & Warar sheegaya in…

cheap tadalafil, cheap Zoloft.
buy Viagra soft FRUIT, Zoloft reviews.

buy periactin, generic lioresal.

Wararka ka imaanaya deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in xalay weerar culus Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Halgan ay maamulaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Boqolaal dagaalyahano oo katirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in dhoor jiho ay ka weerareen saldhigyo ay deegaankaasi ku lahaayeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo socday mudo saacado ah.

Dagaalka labada dhinac dhax maray ayaa la isku aeegsaday hubka kala duwan, waxaana guud ahaan Deegaanka Halgan xalay aheed mid dagaal iyadoona dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa deegaankaasi ay cabsi badan xalay dareemeen.

In ka badan 5-qof oo kamid ahaa dhinacayada dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in ay dagaalka ku dhinteen, waxaa sidoo kale jira dhaawacyo labada dhinac kala gaaray, lamana oga qasaaraha soo gaaray dhinaca Ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan Guhaad Cabdi Warsame, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay dagaal culus uu ka dhacay deegaankaasi, waxa uuna tilmaamay in ciidamada Huwanta ah ay ka hortageen weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in dagaalkii xalay ka dhacay Halgan , uu ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, mana shaacin tirada laga dilay ciidamada Huwanta ah iyo kuwa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday laga dilay.

Al-Shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay dagaalkii xalay ka dhacay Halgan, waxa ayna sheegteen in ay dagaalkaasi ku dileen ciidamo katirsan AMISOM iyo kuwa Dowlada oo ku sugnaa goobihii ay weerareen.

You must be logged in to post a comment Login