Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al shabaab oo welwel ku abuurtay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gas

order clomid online cheap, cheap clomid. -Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland kula hadlay Warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay xiligaani qaati ka taagan yihiin Maleeshiyaadka Alshabaab.

Waxa uu sheegay in Maleeshiyaadka Alshabaab ay weli ku dhuumaleysanayaan qeybo kamid ah Buuraaleyda Galgala, waxa uuna Farta ku goday in Maleeshiyada ay halis ku yihiin Amaanka Puntland islamarkaana ay dhici karto Weeraro ay ku soo qaadaan Deegaanada Puntland.

”Alshabaab weli waxa ay ku jiraan qeybo kamid ah Buuraha galgala, Ujeedkoodu waxa uu yahay qalqal galinta Ammaanka iyo xasiloonida deegaanada Puntland”

Sidoo kale, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay Macquul tahay in Al-shabaab ay Beegsadaan Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Puntlanda Dilal Qorsheysana ay ku Fuliyaan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka Codsaday Odayaasha Dhaqanka,Culumadda,Dhalinyarada iyo Haweenka in ay ka qeyb qaataan Dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Dhawaan ayay aheyd markii Maleeshiyada Alshabaab laga saaray qeybo kamid ah Buuraha galgala, waxa ayna arrintaasi daba soctaa kadib markii Ciidamada DF iyo AMISOM ay alshabaab ka sifeeyen Gobolada qaar.

You must be logged in to post a comment Login