Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-Shabab oo dad ka afduubatay Kenya

Rag looga shakiyay Al Shabaab ayaa maalintii shalay la baxsaday gaadiid ay kasoo afduubteen xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Lamu.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegayaa inay afduubteen shan ruux oo ku sugnaa deegaan ku yaala xuduuda labada dal, waxaana ay ku sugnaayeen deegaanka Kiunga sida ay sheegayaan wararka aan helayno.

Dadka la afduubtay ayaa waxa ay la socdeen labo gaadiid oo la sheegay inay kusii jeedeen deegaanka Lamu ee dhanka Xeebta dalka Kenya, balse raga hubaysan ay wadada u galeen oo ay afduubteen.

Wargeyska The Standard oo warkaan wax ka qoray ayaa sheegay in dad kale laga cabsi qabo in la afduubtay sida laga soo xigtay nin kamid ahaa dadkii goobjooga u ahaa markii uu falka dhacaayay.

Booliiska ilaa hada kama aysan hadlin falkaan shalay ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

“Ilaa iyo hadda ma ogin halka saaxiibadeen lala aaday, waxay horay u kaxeysteen labo gaadiid oo qaadka siday, waxayna ula aadeen Soomaaliya”sidaasi waxaa yiri Liibaan oo kamid ah dadka goobjoogayaasha ahaa.

Weerarkaan ayaa noqonaya weerarkii labaad oo isla deegaanka ka dhacay, bishii Agoosto wade gaari oo Kenyan ah ayaa lagu qoorgooyay goobta, labo gaadiidna waa la afduubtay, ilaa iyo haddana dadkii lama haayo. zoloft without prescription, purchase lioresal.

You must be logged in to post a comment Login