Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

AL-SHABAB OO LA SHEGAY IN AY KENYA KA SOO KAXEYSTEN ILAA 12 HAWEENA OO AAN LA AQOON HALKA LA AADEY

Ku dhawaad 12 haween ah ayaa lagu afduubtay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada dhanka xeebta ku yaala ee dalka Kenya, kaasi oo ay ku dhinteen 15 ruux, sida dadka deegaanka ay BBC-da u sheegeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inaysan garaneynin halka lala aaday haweenka la afduubtay, laakiin kooxaha weerarka soo qaaday ay kaxeysteen haweenkaasi intii weerarka uu socday.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhur Kenyatta ayaa ku eedeeyay weerarada inay ka dambeeyaan shabakado siyaasiyiin deegaanka ah kuwaasi oo labo habeen kala weeraray xaafado ku dhow magaalada Mpeketoni.

Laakiin Alshabaab ayaa horay u sheegtay masuuliyada weerarka ka dhacay deegaanka oo ay ku dhinteen ku dhawaad 60 ruux.

Weerarkii ugu horeeyay oo Axadii lasoo dhaafay ka dhacay meelo kala duwan sida Hoteelo, maqaayado, saldhig boolis ayaa waxaa ku dhintay 49 ruux, kuwaasi oo sawiro la soo bandhigay ay muujinayeen iyagoo la isdul saaray.

order Cialis Professional online, zithromax online.

Alshabaab ayaa weerarkaasi ku micneeyay mid ay ugu aar gudayaan wadaada islaamka ah ee lagu dilay magaalada Mombasa ee dalkaasi Kenya.

Dowlada Kenya ayaa ciidamo usoo dirtay Soomaaliya sanadkii 2011, si ay uga qeyb qaataan dadaalada amaan ee Soomaaliya.

Wakaalada Wararka Somalimedia.co.uk
Email : info@somalimedia.co.uk

You must be logged in to post a comment Login